Xildhibaan ka Falceliyay Hadal kasoo yeeray Taliyihii hore ee NISA Fahad Yaasiin

Hor dhaca wareysi dheer oo lala yeeshay taliyihii hore ee Hay’adda NISA Fahad Yaasiin Xaaji Daahir ayaa abuuray hadal heyno kala duwan iyo falcelin ka imaaneysay siyaasiyiin iyo qeybaha kala duwan ee bulshada.

Fahad Yaasiin ayaa wareysigii kaga hadlay arrimo dhoor ah oo ku aadan waxyaabo badan oo dhacay intii uu xilalka kala duwan ka hayay dowladdii lagu xaman jiray in uu ka ahaa milkiile gadaal ka maamula.

Wareysiga Fahad qeybta hadal heynta ugu badan dhalisay ayaa aheyd markii uu sheegay in Madaxweyne Xasan Sheekh ku qaldamay in Mahad Salaad u magacaabo taliyaha NISA, waxa uu sidoo kale Fahad saraakiisha NISA ugu baaqay in aysan xog la wadaagin taliyaha.

Cabdisaabir Nuur oo kamid ah xildhibaanada golaha shacabka ayaa si weyn uga falceliyay wareysiga uu bixiyay Fahad Yaasiin gaar ahaan qeybta uu uga hadlay in xogta aan lala wadaagin taliyaha cusub ee Hay’aada NISA Mahad Salaad.

Qoraalka xildhibaanka uga falceliyay arrintan ayaa u qorneed sida tan.

Hordhaca wareysiga aan arkay waxaa uu soo muujiyey shakhsiyadda taliyihii hore ee Fahad, iyo nuuca uu ka rabay Hay’adda NISA, waxa layaab leh in taliyihii hore uu si cad ula soo istaago saxaafadda in aan xogta dowladda lala wadaagin taliye sifo sharci ah ku maamulaya Hay’adda.
 
Waan ogeyn in Fahad iyo kooxdiisu Shantii sano ee la soo dhaafay ay ka shaqeynayeen dhisitaanta dad iyo ciidan u rabayaad ah oo ugu shaqeeya si ka baxsan xeyn-daabka dowladnimada oo uu ka rajo qabo in ay amaro ka qaadanayaan iyaga oo aan wax-xil ah ka haynin dowladda.
 
Xogta uu leeyahay yaan lala wadaagin Mahad Salaad Kiiska AUN Ikraam iyo Aamina miyaa, ileen xogta Fahad iyo waxa uu ka shaqaynayey oo dhammaystiran waa la ogyahaye?, Su’aasha kale maxuu noogu sheegi waayey cida uu doonayo in ay xogta siiyaan haddii uu u diidey taliyihooda sharciga ahaa? ma isaga ayaa raba in weli ay xogta ay la soo wadaagaan mise Alshabaab? Waxaa la yaab leh Fahad oo la ogyahay dalka uu u shaqeeyo iyo lacagta uu ka soo qaatay in uu naga iibiyo sirdoonadii ajnabi ayaan ka nadiifiyey hay’adda NISA.
Wax kaloo badana waan idinka sugaynaa!!
Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com
- Advertisement -