Daawo Sawirada: Isbitaalka Baladweyne oo ku dhaw in uu xirmo kadib markii biyo badan galeen

Magalaada Baladweyne ee xarunta gobolka Hiiraan waxaa xiligan ka taagan xaalad adag oo dhinaca bini’aadanimada, waxaana magaalada inteeda badan ku fatahay biyaha wabiga Shabelle.

Dadkii kunoolaa magaalada Baladweyne qaar badan oo kamid ah ayaa ka barakacay guryahooda kadib markii biyo badan soo galeen, waxa ayna dadka kunool yihiin deegaano duleedka ka ah magaalada Baladweyne.

Isbitaalka Guud ee magaalada Baladweyne ayaa hada qarka u saaran in uu xirmo kadib markii biyaha wabiga ee soo fatahay ay isbitaalka galeen, waxaana albaabka laga galo Isbitaalka iyo gudihiisaba fadhiya biyo aad u badan.

Waxaa jirta cabsi laga qabo in gabi ahaan uu xirmo isbitaalka hadii ay biyaha fatahaada sii xoogeestaan, waxaana isbitaalka iyada oo qeybo badan biyo fadhiyaan uu wali u adeegayaa shacabka ku dhaqan magaaladaasi oo dhibaatooyin badan xiligan wajahaya.

Wasiiro iyo Xildhibaano katirsan Baarlamaanka federaalka Soomaaliya ayaa kormeer ku tagay Isbitaalka magaalada Baladweyne, waxa ayna masuuliyiintan indhahooda kusoo arkeen xaalada adag ee xiligan ka jirta gudaha Isbitaalka.

Waxaa socda olole biyaha looga saarayo Isbitaalka guduhiisa si uusan isbitaalka u xirmin, Waxa ayna Wasiirada Caafimaadka Xukuumada Soomaaliya oo booqoatay isbitaalka ku baaqday in laga qeyb qaato gurmadka isbitaalka.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

- Advertisement -