Faah faahino kasoo baxaya Qarax lagu weeraray Sargaal Ciidan oo Muqdisho ka dhacay

Waxaa goordhaw  nuuca gaadiidka hoosta looga xiro uu ka dhacay magaalada Muqdisho gaar ahaan agagaarka Dekadda Weyn , waxaana qaraxan ka dhashay khasaaro dhaawacyo ah.

Sida aan wararka ku helnay gaariga lqarxa lagu xiray oo nuuciisi ahaa Surf ayaa waxaa watay sargaal katirsan ciidanka booliiska Soomaaliya oo lagu magacaabo Jeneraal Maxamed Dhoore , waxaana sargaalka la sheegay in qaraxaasi uu dhaawac kasoo gaaray.

Ciidamo katirsan booliiska Soomaaliya ayaa gaaray goobta uu qaraxu ka dhacay, waxa ayna ciidanka goobtaasi ka qaadeen dhaawaca sargaalka iyo askari la sheegay in isna ilaalo u ahaa sargaalka dhaawacmay.

Booliiska ayaa sidoo kale wada baaritaano ku aadan qaraxan goordhaw haleelay gaariga sargaalka booliiska, mana jiro wali wax war ah booliiska kasoo saareen qaraxan goordhaw dhacay.

Qaraxyada gaadiidka hoosta looga xiro ayaa inta badan dhimasho ama dhaawac culus waxa ay kasoo gaaraan dadka wada gaadiidka lagu xiro qaraxyadaasi oo mudooyinkii dambe kusoo badanayay Muqdisho.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Hoos ka Daawo Muuqaalka wararka Shabakadda Allbanaadir Online 24 saac kasta

- Advertisement -