Muwaadin Soomaaliyeed oo qorsheenayay in uu dilo Boqorada UK oo xukun adag lagu riday

Maxkamad kutaala magaalada London ee caasimada dalka Ingiriiska ayaa xukun adag oo xabsi ah ku riday Muwaadin Soomaaliyeed oo heesta dhalashada dalka Holland oo lagu eedeeyay in uu qorsheenayay weeraro uu ka fuliyo London.

Aweys Shiikheey oo 38-jir ah ayaa lagu soo eedeeyay in uu qorsheenayay in uu ku biiro kooxda Daacish kadibna weeraro ku dilo Boqorada UK iyo taageerayaasha Kooxda kubada cagta ee Tottenham .

Maxkamadda Old Bailey  ee magaalladda London ayaa 8-sano oo xabsi ah ku riday muwaadinkan Soomaaliyeed ee lagu eedeeyay in uu qorsheenayay weeraro argagxiso uu ka fuliyo dalka Ingiriiska.

Barnaby Jameson, oo ah dacwad oogaha Maxkamadda ayaa sheegay in Aweys uu doonayay in uu dilo Boqorada UK sidoo kale weerar ku qaado Garoonka Kubadda Cagta White Hart Lane iyo goobaha ay isugu tagaan Yahuuda kunool Waqooyiga London.

Aweys ayaa la sheegay in gabar lagu magacaabo Raaqiya Xuseen oo Norweyn kunool, ku tashkiilisay in uu ku biiro  Daacish sidoo kale weeraro ka fuliyo gudaha UK, waxa ayna u balan qaaday in ay is-guursan doonaan haddii uu fuliyo weeraradaasi kuna biiro Daacish.

Muwaadinka Soomaaliyeed ee lagu riday xukunka ayaa la sheegay in lacag ka badan 10-kun Dollar u Banki ka amaahsaday u diray gabadhan xiriirka saaxiibtinimo kala dhaxeysay ee kunool Norwey kuna qal qaalisay in Daacish kamid noqdi.

Aweys Sheekhey ayaa la sheegay in uu leeyahay labo Xaas lamana sheegin tirada caruurta u joogta, waxa uuna ninkan Xabsi ku qaadan doonaa 8-da sano ee lagu xukumay kadib markii lagu helay dambiyada lagu eedeeyay qaarkood.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -