Xarakada Islaax oo Baaq kasoo saartay Khilaaf ka dhax taagan Baarlamaanka Soomaaliya

Xarakada Islaax waxey aad uga welwelsan tahay khilaafka soo kala dhexgalay hay’adaha dawladda iyo deganaasho la’aanta siyaasadeed ee ka dhalan karta.

Khilaafkaan kala qaybiyay xubnaha baarlamaanka,  iyo hogaankiisa , hakad weyna geliyey hawlaha qaranka, ma aha mid u adeegaya qaranimada, midnimada iyo dib-u-heshiisiinta dadkeena; waxaana ka dhalan kara faragelinta shisheeye oo sii xoogeysata, amniga dalka oo faraha kasii baxa, dhaqaalaha oo wiiqma, dhisida hay`adaha qaran oo hakad ku yimaado.

Sidaas darted, Xarakada Islaax oo ka shaqaysa mar walba hirgelinta mabaadi’ida nabadeynta iyo dib-uheshiisiinta waxey soo jeedineysaa  talooyinkaan soo socda, iyadoo u arkaysa, rajeyneysana iney xalka soo dhoweynayaan: iyadoo Alle ka cabsiga iyo dhawrida midnimada sal looga dhigayo xalinta khilaaf kasta وَاعْتَصِمُوا بِحَبْلِ اللَّهِ جَمِيعًا وَلَا تَفَرَّقُوا

1)   In dastuurka iyo qawaaniinta dalka la dhawro oo aan marna lagu xadgudbin.

2)   In la hakiyo shirarka baarlamaanka muddo kooban si loo furo wada-hadallo dhexmara dhinacyada is-haya, fursadna loo siiyo heshiis laga gaaro khilaafka.

3)    In waxgarad Somaaliyeed oo labada dhinac raali ka yihiin ay qaataan hawlaha dhexdhexaadinta si looga fogaado dhexdhaxaadin  shisheeye.

4)   In laga fogaado adeegsiga xoog iyo hub-urursi keeni kara dhiig daata.

Waxaan Ilaahey uga baryeynaa dawladda iyo ummadda inuu tawfiiqda  waafajiyo.

Dr Cali Bashi Cumar
Guddoomiyaha Ururka Islaax
Mogadisho – Somalia

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -