Iran oo ka carootay sawir gacmeed lagu daabacay wargeys ka soo baxa Sacuudiga

Dowlada Iran ayaa si caro leh uga jawaabtay sawir gacmeed lagu daabacay wargeys ka soo baxa Sacuudiga, kaasoo loo ekeysiiyay , Ayatollah Khomeini oo ah hogaamiyihii Ruuxiga ee Iran.

Sawirka ayaa la xiriiray warbixin uu daabacay wargeyska Sacuudiga ee ‘Al-Riyadh’, taasoo Iran kuu eedeeysay inay fulisay dilal qorsheysan.

Wasiirka Arimaha dibedda Iiran, ayaa sidoo kale sawir gacmeedkaasi ku tilmaamay afla gaaddo qaawan oo ka dhan ah Ayatollah Khomeini

Iran Iyo Sacuudiga ayaa dhawaan si adag uga wada shaqeynayay inay dib u soo celiyaan xiriirkooda oo xumaaday sanadkii 2016-kii, kaddib markii dibedbaxayaal Iraniyiin ah ay weerareen safaradda Sacuudiga ee Tehran ka dibna ay dab qabadsiiyeen.

 

- Advertisement -