Allbanaadir.com
NEWS

IGAD oo loogu baaqay in kulan deg deg ah ka yeeshaan Xiisada Siyaasadeed ee Somalia

Xiisad siyaasadeed ayaa ka dhax aloosan Xildhibaanada Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya, Xiisadan ayaana saameyn badan ku yeelatay howlihii iyo shaqooyinkii Hay’adaha kala duwan ee dowlada Soomaaliya.

Aadan Barre Ducaale oo ah Hoggaamiyaha Aqlabiyadda Baarlamaanka dalka Kenya oo ka hadlay xiisada Siyaasadeed ee ka dhax aloosan Baarlamaanka ayaa sheegay in saameyn badan ku yeelatay xiisadan howlihii hey’adaha dowladda.

Waxa uu ugu baaqay Aadan Barre Urur Goboleedka IGAD in la qabto kulan deg deg ah oo looga hadlayo xiisada siyaasadeed ee ka taagan Soomaaliya si loo ilaaliyo guulihii laga gaaray dhinaca amniga .

Hoggaamiyaha Aqlabiyadda Baarlamaanka dalka Kenya ayaa uga digay Dowlada Imaaraarka Carabta in ay wiiqdo madax banaanida dadka Soomaaliyeed iyo howlaha hey’adaha sharciga .

Beesha Caalamka ayaa qoraal ay horey usoo saartay kula talisay Madaxda Dowlada iyo Xildhibaanada Baarlamaanka ee iska soo horjeeda in khilaafka dhaxdooda ah ku xaliyaan hab sharci ah.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Xildhibaan ka tirsan Golaha shacabka oo loo diiday inuu tago Magaalada Baydhabo

Caydiid Ali

Shirka Golaha Wasiiradda oo looga hadlay ciidanka la geeyay Raaskanbooni iyo …

Cabdi Cade

Qaraxyo iyo dagaal toos ah oo lagu qaaday kolonyo ay wateen Ciidamada AMISOM

Caydiid Ali
Taboola Ads ---