Masuul ka tirsanaa Xarakada Al-Shabaab oo isku soo dhiibay dowlada Somalia (Magaca)

Sida laga soo xigtay saraakiil ka tirsan sirdoonka Somalia hogaamiye sare oo ka tirsan Al-Shabaab ayaa isku soo dhiibay dowladda Soomaaliya kaasoo Muqdisho la keenay maalmihii la soo dhaafay.

Cumar Heegan ayaa dhinaca xabsiyada u qaabilsanaa Al-Shabaab isagoo maamuli jiray dhammaan xabsiyada kooxdan ku leedahay degaanada Maamulkeeda hoos tago.

Sarkaalkan ayaa haatan lagu hayaa xarumaha Ciidanka Nabad sugida ku leeyihiin Magaalada Muqdisho oo si qarsoodi ahaa lagu keenay, waxaana wareysiyo la xiriira xogta uu hayo ka qaadaya saraakiil ka tirsan Nabad sugida.

Ninkan oo ka soo jeeda degaanada Koonfur Galbeed ayaa xiriir hoose la soo sameeyey ciidanka NISA kuwaasoo u suurageliyey inuu ka soo baxsado Al-shabaab, welina ma jiro war dowladu ka soo saartay arrintiisa.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

Hoos ka Daawo Muuqaalka wararka Shabakadda Allbanaadir Online 24 saac kasta

- Advertisement -