Raisul Wasaare Khayre oo ku sii jeeda Baydhabo & Amniga oo si weyn loo adkeeyey

Raisul Wasaaraha Somalia Xasan Cali Khayre oo ku sugan degaanada Galmudug ayaa isaga iyo wafdi uu horkacayo waxay ku sii jeedaan manta magaalada Baydhabo oo ah xarunta ku meel gaarka ah ee Maamulka K/Galbeed.

Qaban-qaabo lagu soo dhoweynayo Khayre iyo wafdigiisa ayaa ka socota Baydhabo, iyadoo amaanka Magaalada si weyn loo adkeeyey, waxaana la xiray inta badan Wadooyinka soo gala xarumaha Maamulka Koonfur Galbeed iyo Garoonka dayuuradaha Magaalada Baydhabo.

Kumanaan shacab ag ayaa ku sugan garoonka kubada cagta Baydhabo halkaasoo uu kula hadli doono raisul Wasaaraha.

Sidoo kale Khayre ayaa maalmaha soo socda booqan doona degaano ka tirsan gobolka Bakool oo ay ku jirto Magaalada Xudur.

Wararka ayaa sheegaya in raisul wasaaraha dalka uu mashaariic horumarineed ka dhagax dhigi doono degaanada uu booqanayo ee Koonfur Galbeed, isagoo kulamo la qaadan doona madaxda maamulka iyo qeybaha bulshada.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

Hoos ka Daawo Muuqaalka wararka Shabakadda Allbanaadir Online 24 saac kasta

- Advertisement -