Sirdoonka Norwey oo xabsiga dhigay Soomaali looga shakiyay argagixisanimo

Laanta sirdoonka Norway ee PST ayaa sheegtay inay xabsiga dhigeen Soomaali labaatan jir ah oo lala xiriirinayo qorsheyaal la xiriiro argagaxisnimo

PST ayaa sheegtay in ninkan ay soo qabteen, kadib markii ay uu ka dhex arkeen baaritaan iyo dabagal gaar ah oo ay wadeen, kaasoo ku saabsanaa ka hortagida weerar agagixiso.

Qareenka ninkan oo warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in ninkan uu la yaaban yahay in xabsiga la dhigay, isla markaana uu iska fogeeyay dhamaan eedaha loo soo jeediyay.

PST-da ayaa codsatay in afar isbuuc oo ku meel gaar ah xabsiga la dhigo ninkan, inta laga soo baarayo danbiga ay ku eedeeyeen. Maxkamada ayaana ogolaatay codsiga Hey´adda

Sida ay qorayaan warbaahinta Norwey ee gobolka Telemark, ninkan ay PST-du xabsiga dhigtay ayaa asal ahaan kasoo jeedo Soomaaliya. Balse wuxuu ku dhashay, kuna koray Norway.

Warbaahinta ayaa sidoo kale qortay in ninkan uu isbadal ku yimid, kadib markii uu safar ku tagay dal ku yaalla Geeska Afrika, isla markaana uu diin ahaan iyo fikir ahaanba isbadalay mudooyinkii ugu dambeeyay.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

Hoos ka Daawo Muuqaalka wararka Shabakadda Allbanaadir Online 24 saac kasta

- Advertisement -