Degaano ka tirsan Sh/hoose oo cirka laga duqeeyey & faahfaahino ka soo baxaya

Duqeyn dhinaca cirka ah ayaa saacadihii la soo dhaafay ka dhacday degaano ka tirsan gobolka Sh/hoose oo ay maamulaan kooxda Al-shabaab.

Wararka ayaa sheegaya in duqeymahan ay ka dhaceen inta u dhexeysa degmada Sablaale iyo degaanka Ambareso oo ku dhow Baraawe.

Goob joogayaal ayaa ku waramaya in weerarkan lala beegsaday fariisimo iyo goobo kale oo ay ku sugnaayeen saraakiil iyo ciidamo ka tirsan Al-shabaab.

“Qaraxyo waaweyn ayaan maqalnay, aadna waan u argagaxnay, sababtoo ah qaraxyadan aad bay uga mug weynaayeen kuwii aan maqli jirnay” sidaas waxaa yiri goob-jooge ku sugan degaanka Ambareso oo magaciisa ka gaabsaday in la soo xigto.

Ciidamo taabacsan Al-shabaab ayaa xiray goobaha ay wax ka dhaceen welina lama oga khasaaraha ka dhashay duqeymahan iyo cida geysatay, inkastoo ciidamada Maraykanka ee jooga Somalia ay inta badan sheegtaan iney fuliyeen weerarada noocan ah ee loo adeegsado dayuuradaha aan duuliyaha laheyn ee Droneska loo yaqaano.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

Hoos ka Daawo Muuqaalka wararka Shabakadda Allbanaadir Online 24 saac kasta

- Advertisement -