Duqa Muqdisho oo kulankii u horeeyey la la qaatay Maamulada degmooyinka Xamar (Sawirro)

Duqa Muqdisho ahna Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Mudane Cumar Maxamuud Maxamed (Filish) ayaa kulankii ugu horreeyey la qaatay Guddoomiyeyaasha 17ka degmo ee Gobolka Banaadir, waxuna kula dardaarmay in ay la yimaadaan qorsheyaal dhameystiran oo Caasimadda lagu horumarinayo.

Isbarasho kadib, Guddoomiyaha cusub ayaa soo bandhigay qodobo dhowr ah oo mudnaan u leh maamulkiisa, isla markaana lagula xisaabtamayo qeybaha kala duwan ee hay’adaha gobolka Banaadir, sida, amniga, bilicda, fayo-dhowrka iyo dib-u-dhiska kaabayaasha Caasimadda.

Mudane Cumar Filish ayaa sheegay in degmo walba lagu qiimeyn doono shaqooyinka ay qabto, lagulana xisaabtamayo cid waliba oo ka gaabisay gaarsiinta adeegyada ay bulshada u haysay.

Kulanka Todobaadlaha ah ayaa waxaa sidoo kale lagaga hadlay xoojinta wada shaqeynta laamaha ammaanka iyo Maamulka Degmooyinka, iyadoo laga dhageystay Guddoomiyeyaasha warbixinno la xiriira amniga.

“Guddoomiye waliba waxaan ku qiimeyn doonaa shaqada uu la yimaado, anaguna waan kula xisaabtamaynaa in shacabka loo qabtay adeegyadii maamulka laga sugayay, waa inaad la timaadaan hufnaan iyo shaqo dheeri ah oo bulshadu idinka sugeyso, gaar ahaan arrimaha amniga, bilicda, fayo-dhowrka iyo dib-u-dhiska kaabayaasha Caasimadda”.

Kulankan oo ah kii ugu horreeyey ee Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Muqdisho Mudane Cumar Maxamuud Maxamed (Filish) uu la qaato qeybaha kala duwan ee Maamulka Gobolka ayaa waxaa ka qeyb galay Guddoomiye ku-xigeennada Maamulka, Xoghayaha Guud iyo Agaasimeyaasha waaxaha.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

Hoos ka Daawo Muuqaalka wararka Shabakadda Allbanaadir Online 24 saac kasta

- Advertisement -