(Sawirro) Jen. Xijaar oo Jabuuti tababar ugu soo xiray ciidan loo tababaray DF

Taliyaha Ciidanka Bpoliska Soomaaliyeed Sareeyo Gaas Cabdi Xasan Maxamed (Xijaar) iyo wafdi saraakiil ah uu hoggaaminaayey ayaa Dalka Jabuuti tababar ugu soo xirey dufcadddii 15aad ee Ciidanka Daraawiishta Booliska Somalia

Munaasabad kooban oo lagu qabtay Jabuuti ayay ciidamada ku soo bandhigeen gaado ka cayaar iyo dhoolatus ku saabsan tababarka ay qaateen, iyagoo bixiyay salaam Sharaf.

Taliyaha Ciidanka Bpoliska Soomaaliyeed Sareeyo Gaas Cabdi Xasan Maxamed ayaa kula dardaarmay booliska tababarka loo soo xiray.

“Waa inaad isku  diyaarisaan difaacidda Qaranka, iyo ka hortaga cid kasta oo wax u dhimeysa sharafta ummada Soomaaliyeed” ayuu yiri Xijaar oo u mahad celiyey dowlada Jabuuti oo tababarkan gacan ka geysatay.

- Advertisement -