Allbanaadir.com
HIRSHABELLENEWS

Al-Shabaab oo weerar culus ku qaaday fariisimo ay leeyihiin ciidamada AMISOM

Dagaal u dhaxeeyay ciidamo ka tirsan dowladda & kuwa AMISOM oo dhinac ah iyo Al-Shabaab ayaa ka dhacay saldhigyo ku yaalla duleedka degmada Buulo-Burde ee Gobolka Hiiraan.

Sida wararku sheegayan dagaalka ayaa yimid kadib markii xoogag ka tirsan Al-Shabaab ay weerar ku qaadeen Saldhig ciidamada dowladda & AMISOM ku leeyihiin duleedka degmadaasi Buulo-Burde.

Dadka degaanka ayaa ku waramaya inay maqlayeen dhawaqa rasaasta iyo qaraxyada ay isku adeegsanayeen labada dhinac, balse aysan cadeyn Karin khasaaraha soo kala gaaray dhinacyada halkaasi ku dagalaamay maadaama xilli habeen ah aheyd.

Maamulka degmada Buulo-Burde ayaa sheegay in Ciidamada Dowladda & AMISOM iska difaaceen weerarkii kaga yimid dhinaca Al-Shabaab,isla markaana Ciidamada ay weli ku sugan yihiin Saldhigyadooda.

Saraakiisha Ciidamada dowladda ee Gobolka Hiiraan dhankooda kama hadlin dagaalkaas xalay fiidkii ka dhacay degmada Buulo-Burde ee gobolka Hiiraan, mana jiraan warar madax oo sheegaya qaabka uu dagaalkan u dhacay iyo khasaaraha rasmiga ah eek a dhashay.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

Hoos ka Daawo Muuqaalka wararka Shabakadda Allbanaadir Online 24 saac kasta

Related posts

Haweeney Soomaali ah oo doorasho kaga guuleysatay ganacsade Maraykan ah (Sawirro)

Caydiid Ali

Trump oo sheegay in Biden uu lumiyey heybadii iyo cabsidii laga qabi jiray Maraykanka

Caydiid Ali

Taalibaan oo hanjabaad culus u dirtay Iran kaddib dagaal labada dhinac dhax maray

Cabdi Cade
Taboola Ads ---