Allbanaadir.com
NEWS

Madaxweyne Xasan Sheekh oo War kasoo saaray Doorashada Turkiga iyo Guusha Erdogan

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Dr Xasan Sheekh Maxamuud ayaa u hambalyeeyay Madaxweynaha dib loo doortay ee dalka Turkiga Mudane Reccep Tayyip Erdogan oo ku guuleystay doorasho ka dhacday dalkaas.

Madaxweynaha oo tilmaamaya kaalinta lama ilaawaanka ee Madaxweyne Erdogan iyo shacabkiisu ay ku leeyihiin dowlad-dhiska iyo horumarka dalkeenna ayaa u rajeeyay Madaxweynaha cusub in uu ka miro-dhaliyo xaqiijinta yoolasha horumarineed iyo hiigsiga Shacabka Turkiga.

“Waxaan u hambalyeynayaa walaalkeey Madaxweyne Reccep Tayyip Erdogan, guusha taariikhiga ah ee uu ka gaaray doorashadii ka dhacday dalka Turkiga. Waxaan u rajeynayaa shacabka iyo dowladdaa aan walaalaha nahay ee Turkiga in ay xoojiyaan midnimadooda iyo horumarka ballaaran ee xowliga ah ee ay ku tallaabsadeen sanadihii la soo dhaafay.”

Madaxweyne Dr Xasan Sheekh Maxamuud ayaa xusay in uu kalsooni weyn ku qabo in dib u doorashada Madaxweyne Erdogan ay sii xoojineyso xiriirka wanaagsan iyo iskaashiga laba geesoodka ah, Isagoo sheegay in Soomaaliya iyo Turkiga uu ka dhaxeeyo xiriir dhaqaale iyo mid diblomaasiyadeed oo qotodheer.

 

Related posts

Sargaal katirsan Ciidanka dowlada oo saakay lagu dilay Muqdisho

Cabdi Cade

Nin si xeeladeysan lacag uga urursanayey shacabka Muqdisho oo la qabtay (Sawirro)

Caydiid Ali

Abuu Mansuur oo sheegay in Xajka aan Dalxiis loo aaday kana hadlay cabasho soo yeertay

Cabdi Cade
Taboola Ads ---