Doorasho Hadal heyn badan dhalisay oo maanta ka dhacday magaalada Jowhar

Waxaa maanta magaalada Jowhar ee caasimadda dowlad goboleedka Hirshabelle si rasmi ah uga  bilaabatay doorashada xildhibaanada gollaha shacabka ee deegaan doorashadooda tahay Hirshabelle, waxaana maanta la doortay dhoor xildhibaan.

Doorashada maanta ka dhacday magaalada Jowhar ayaana abuurtay hadal heyn badan kadib markii doorashada isku bedeshay mid inta badan aan lagu tartamin oo musharaxiinta qaarkood malxiisiin ay soo wateen ay u tanaasuleen.

Wasiirka Beeraha iyo Waraabka Dowlad Goboleedka Hir-Shabeelle Maxamed Cumar Ceymooy ayaa ku guuleestay kursiga xildhibaanimo ee beeshiisa kadib markii uu kusoo baxay doorasho musharaxii la tartami lahaa nuusan imaan hoolka doorashada.

Guddiga doorashada Hirshabelle ayaa go’aansaday in ay qabtaan doorashada Maxamed Ceymow iyo musharaxa ka maqan, waxaana Xildhibaan Ceymow uu helay 73-cod halka musharaxa la tartamayay isaga oo maqan uu helay 13-cod.

Doorashadan ayaana hadal heyn badan ka abuurtay warbaahinta iyo baraha bulshada, waxa ayna noqotay doorashadii ugu horeesay iyada oo musharax ka maqan yahay hoolka doorashada loo codeeyo.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -