Mooto Bajaaj ku qaraxday Muqdisho & Maamulka G/Banaadir oo ka hadlay (Sawirro)

Mooto bajaaj ay saarnaayeen waxyaabaha qarxa ayaa galabta ku qaraxday xaafada Towfiiq oo ka tirsan degmada Yaaqshiid ee magaalada Muqdisho.

Qaraxan ayaa waxaa ku dhintay ninkii waday Mootada oo meydkiisa laga helay goobta, waxaana sidoo kale lagu arkay halkaas bac madow ay ku jireen kabaha iyo dareyska ciidanka Booliska.

Guddoomiye ku-xigeenka dhinaca amaanka iyo siyaasada ee maamulka gobolka Banaadir Maxamed C/llaahi Tuulax oo goobta gaaray ayaa sheegay iney in ninka mootada waday uu ka tirsanaa Al-shabaab, uuna qaraxaas u waday shacabka Soomaaliyeed sida uu warka u dhigay.

“Ninkan waxa uu qarax ku soo qaaday Mooto bajaaj isagoo damacsanaa inuu shacabka ku dhibaateeyo balse inta uusan gaarin goobihii uu la damacsanaa ayaa ILAAHAY isagii ku haligay qaraxii uu waday” ayuu yiri Tuulax.

Waxaa uu intaas ku daray in goobta mootada ay ku qaraxday laga helay bac madow saarneyd mootada oo ay ku jireen kabaha iyo dareyska ciidanka Booliska kuwaasoo uu xusay in loo adeegsan rabay fududeynta iyo gelida halka qaraxan lala damacsanaa oo illaa hadda aan la ogeyn.

Maxamed C/llaahi Tuulax ayaa sheegay in Al-shabaab ay ka faa’iideysanayaan gaadiidka Mooto bajaajka ee loo fududeeyey iney baaritaan la’aan maraan jidadka magaalada maadaama shacabku uu si aad ah u isticmaalo, wuxuuna dadweynaha ugu baaqay iney iska ilaaliyaan kooxaha carqaladeynaya nabada sida uu yiri.

Waa qaraxii labaad ee ka dhaca Magaalada Muqdisho maanta, saaka ayeyna aheyd markii nawaaxiga isgoyska Ex-kontrol Afgooye uu ku qarxay gaari laga soo buuxiyey waxyaabaha qarxa ka dib markii ay rasaas ku fureen ciidamada amaanka oo ka shakiyey.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

Hoos ka Daawo Muuqaalka wararka Shabakadda Allbanaadir Online 24 saac kasta

- Advertisement -