Allbanaadir.com
NEWS

Shirka Golaha Wadatashiga Qaran oo ka furmay Muqdisho iyo qodobada loo…

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta guddoomiyey Shirka Golaha Wadatashiga Qaranka ee Dowladda Federaalka iyo Dowlad-Goboleedyada xubnaha ka ah Dowladda Federaalka Soomaaliya, oo ka furmay Madaxtooyada Qaranka ee Caasimadda Muqdisho.

Shirkan ayaa diiradda lagu saarayaa xaaladda amniga dalka, gaar ahaan sidii loo dardargelin lahaa dagaalka lagula jiro kooxaha Khawaarijta Al-Shabaab, dhameystirka hanaanka dimuqraadiyeynta, iyo fulinta heshiisyadii hore ee Golaha Wadatashiga Qaran. Waxaa kale oo laga wada hadli doonaa dhismaha dowladnimo iyo iskaashiga guud ee dowlad-goboleedyada iyo dowladda federaalka si loo xaqiijiyo nabadda iyo horumarka dalka.

Shirka waxaa kasoo qaybgalay Madaxweynaha Jubbaland, Mudane Axmed Maxamed Islaan, Madaxweynaha Koonfur Galbeed, Mudane Cabdicasiis Xasan Maxamed, Madaxweynaha Galmudug, Mudane Axmed Cabdi Kaariye iyo Madaxweynaha Hirshabeelle, Mudaney Cali Cabdullaahi Xuseen, Gudoomiyaha Gobalka Banaadir ahna duqa magaalada Mugadisho Yuusuf Xuseen Jimcaale.

 

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Ciidanka Dowladda iyo ciidamo shisheeye oo fuliyay howlgal ka dhan ah Al Shabaab

Cabdi Cade

Khayraatka iyo Masiirka Somaliland yaa matala ? Dowlada Federaalka mise Maamulka Hargeysa ?

Cabdi Cade

Maxaa looga hadlayaa Wadahadalka Nairobi uga furmaya Somalia & Somaliland?

Caydiid Ali
Taboola Ads ---