Dowlada Turkiga oo jawaab kulul ka bixisay eedeymo kaga yimid Mucaaradka Somalia

Dowlada Turkiga ayaa iska fogeysay eedeyn kaga timid mucaaradka Somalia oo aheyd inay mas’uul ka tahay falalka lagu eedeeyay ciidamada ay u tababartay dowladda Federaalka ee Soomaaliya.

Wasaaradda arrimaha dibedda ee Turkiga ayaa sheegtay inay jiraan dad magac xumeyn ku sameynaya dedaallada ay xukuumadda Ankara ku taageerayso Soomaaliya.

“Waxaan ka war haynaa dad wada olole lagu wiiqayo sumcadda Turkiga ee gudaha Soomaaliya, waxaana la og yahay in dadkaas ay doonayaan in dalal kale ay ku lug yeeshaan doodaha siyaasadda ee gudaha, balse isku-daygooda ayaa ah mid guul-daraysanaya,” ayaa lagu sheegay qoraal ka soo baxay Wasaaradda arrimaha dibedda ee Turkiga.

Wasaaradda ayaa sheegtay in ciidamada uu Turkiga tababaro ay hoos tagaan Ciidanka Xoogga Qaranka ee Soomaaliya ayna mas’uul ka tahay dowladda Federaalka.

Qoraalka ayaa lagu sheegay in Turkiga uu dowr hormuud ah ka qaatay dedaallada caalamiga ah ee lagu dhisayo ciidamo nidaamsan, anshax leh, isla markaana mideysan oo ay leedahay Soomaaliya”.

Ciidamada sida gaarka ah u tababaran ee Haramcad iyo Gorgor oo uu soo carbiyay Turkiga ayaa lagu eedeeyay inay awood xad-dhaaf ah u adeegsadeen mucaaradka oo uu khilaaf ku aaddan arrimaha doorashada kala dhexeeyay madaxweynaha Soomaaliya, Maxamed Cabdullaahi Maxamed (Farmaajo).

Siyaasiyiinta Mucaaradka ayaa ku eedeeyay ciidamadaas inay ku lug lahaayeen iska horimaadyo ka dhacay Muqdisho 19-kii February iyo 25-kii April ee sanadkan, kuwaasoo khalkhal geliyay ammaanka caasimadda.

Mucaaradka ayaa u sheegay Turkiga in gaadiidka gaashaaman ee uu ku taageeray ciidamada Soomaaliya loo adeegsaday caburinta shacabka halkii looga faa’iideysan lahaa dagaalka ka dhanka ah Al-Shabaab.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

 

- Advertisement -