Dowladda Shiinaha ayaa jawaab ka bixisey go’aankii Madaxweynaha Maraykanku uu soo saarey maalintii shalay ee khamiista ee Tirifooyinka lagu soo rogey alaabaha Shiinuhu u dhoofiyo dalka Maraykanka taas oo lagu qiyaasey in ay gaari doonto 60 bilyan oo Dollarka Maraykanka ah.
Shiinaha ayaa sheegay 25% hilibka iyo Aluminumka ay ka soo dhoofsadaan dalka Maraykanka, waxaana ay ku goodiyeen in ay canshuur ku soo rogayaan. Sidoo kale Shiinaha ayaa sheegay in 15% tuubooyinka biraha ah, Khamrada, miraha sida Tufaaxa ee ka yimaada Maraykanka ay canshuur dhankooda ku soo rogayaan. Alaabaha Shiinuhu ku goodiyey in ay canshuurta ku soo rogayaan yaa gaareysa $3 bilyan oo Dollarka Maraykanka ah.
-Shiinuhu ma doonaayo in ay galaan dagaal ganacsi, laakiin kama cabsanayaan in ay galaan dagaalkaas, ayaa lagu yiri war ka soo abxay wasaaradda ganacsiga ee Shiinaha.
– Shiinuhu waxa uu rajeynayaa in Maraykanku ka noqon doono go’aankooda si aan ganacsiga xorta ah loo geyn meel khatar ah, ayaa lagu yiri warka ka soo baxay Shiinaha.
Madaxweynaha Maraykanka Donald Trump ayaa sheegay in go’aanka uu qaatey uu yahay mid uu muddo ka fekeraayey, waxaana ay ahayd mid kamid ah ballan qaadkiisi xiligii ololaha, waxaana uu ku tilmaamey kii u muhimsanaa. Trump ayaa ku dooda in shaqooyinkii dalka Maraykanka ay xadeen Shiinuhu sidaas darteedna ay tahay in lagu ciqaabo si shaqooyinku dib ugu laabtaan suuqyada Maraykanka.
Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com