Shaqaale Soomaali ah oo shaqada looga ceyriyey isticmaalka balwada Sigaarka & Qaadka

Guddiga Asluubta iyo anshax dab-demiska Somaliland ayaa shaqada ka eryay 6 xubnood oo ka tirsanaa Shaqaalaha dab-damiska, kuwaasoo lagu arkay, iyagoo isticmaalaya Balwada Qaadka iyo Sigaarka.

War kasoo baxay Ciidanka dab-demiska Somaliland ayaa waxaa lagu sheegay in Gudiga ay baaritaano qarsoodi ah ku soo sameeyeen degaano dhowr ah oo ay ka howlgallaan Ciidamada Dab-damiska, isla amarkaana lagu ogaaday Shaqaalaha qaarkood inay isticmaalaan Qaadka iyo sigaarka, iyagoo ku jira Shaqada.

“Gudida asluubta iyo anshax marinta Ciidanka dab-demiska qaranka oo u kuur galaya habsami socodka hawlaha shaqo iyo heeganka xarumaha Ciidanka Dab-demiska Qaranka ayey hawlgal qarsoodiya ku tageen degmada Axmed Macallin Haaruun waxeyna ku soo xaqiijiyeen xubnahan oo meelo kala duwan si dhuumasho ah qaad iyo sigaar ugu isticmaalayeen xili ay ku guda jireen shaqada habeenimo” ayaa lagu yiri warka Guddiga

Gudida asluubta iyo anshax marinta Ciidanka dab-demiska ayaa waxaa ay sheegen in Eryida Shaqalaha loo cuskaday Xeer hoosaadka Ciidanka Dab-demiska Somaliland Qodobkiisa 19 aad Farqadiisa 1aad kaasoo shaqaalaha deb demiska ka mamnuucaya isticmaalka nooc walba oo balwad ah.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

Hoos ka Daawo Muuqaalka wararka Shabakadda Allbanaadir Online 24 saac kasta

- Advertisement -