Shiikh Shariif oo ka digay qorshe uu sheegay iney damacsan yihiin Madaxda DF

Guddoomiyaha Madasha Xisbiyada Qaran ahna Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Shariif Sheekh Axmed ayaa shaaca ka qaaday in dowladda Somalia dooneyso in dowlado iyo ciidamo shisheeye ay dadka u qabtaan.

Shariif Sheekh Axmed ayaa galabta hadalkan ka jeediyay munaasabad ay soo qaban qaabisay Madasha oo lagu xusayey maalmaha xorriyadda Soomaaliya.

Sheekh Shariif  ayaa sheegay in haatan aysan muuqan hab doorasho oo heshiis lagu yahay, taasoo sida uu sheegay su’aal gelineysa halka loo socdo iyo in DF daacad ka tahay doorashada ay sheegeyso.

“Hadii dowladdu ay ku fekereyso dowlado shisheeye ayaa dadka idiin qabanaaya cid na qaban karta ma jirto, hadii ay ku fekeraayaan ciidamo ayaa idiin tababaran, kuwo kale ayaa idiin imaanaya, AMISOM ayaa joogta, taasi wax dhici kara ma’ahan, anaga sharciga unbaa na qaban kara, sharcigaas qabyada ah aan wada ilaashano, qabiil, qori, iyo dagaal, midna ma rabno” ayuu yiri Sheekh Shariif.

Hey’adaha dastuuriga ah ee dowladda qaarkood ayuu sheegay ineysan wada shaqeyn ka dhexeynin ayna u baahan yihiin dib u heshiisiin, isagoo ku baaqay in miiska la isugu yimaado dib u heshiisiin guud si dalka loogu jiheeyo jiho raali laga wada yahay.

“Anaga dhan waxaa u baahanahay dib u heshiisiin, hey’adaha dowladda dib u heshiisiin u baahan, waxaa leeyahay waqtiga inta uusan tagin miiska imaada, talo waxaa heysiin keena colaad la idin ma qabo talaa la idinku daraa, annaga waxaa rabnaa qarankaan in uusan faraheena ka bixin, ummaddo badanaa burburay, kuwaa hadda burburaya, maxaa loo burburayaa sababtu waa dastuurka ayaa la ogoleyn, dastuurka waa in la ogolaado,” ayuu yiri madaxweyne Sheekh Shariif.

“Doorasho jawigeeda ma diyaarsana, maanta haddii hab la isku waafaqo asigaa waqti u baahan oo doorasho lagu qabto, maxaa yeelay mid mid la socdo naguma jiro, waxaa ka soo qaadaa hey’adaha dowladda kaliya heer federaal iyo heer maamul goboleed ma wada shaqeeyaan, golaha shacabka iyo aqalka sare waa kala tageen.” ayuu sidoo kale yiri Shiikh Shariif.

HOOS KA DAAWO KHUDBADA SHIIKH SHARIIF OO DHAMEYSTIRAN

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -