Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

Rug cadaa Saxaafadeed oo loo magaacaabay afhayeenka cusub ee Villa Somalia

Agaasimaha Madaxtooyada Jamhuuriyada Federaalka Soomaaliya Cabdixakiin Maxamed Yuusuf ayaa magacaabay Afhayeenka Madaxtooyada Somalia.

Qoraal ka soo baxay agaasimaha ayaa Cabdiraxmaan Maxamed Xassan (Xudeyfi) loogu magacaabay inuu noqdo afhayeenka cusub ee Villa Somalia.

Cabdiraxman Max’ed Xassan (Xudeyfi) ayaa ka mid ahaa suxufiyiintii rug cadaaga ahaa ee ka soo shaqeeyey warbaahinta madaxa banaan ee xiligii burburka ka hanaqaaday magaalada Muqdisho gaar ahaan idaacada Banaadir iyo idaacadii Somaliweyn oo uu agaasime ka ahaa.

Xudeyfi oo sanadahan dambe ka mid ahaa qurbajoogta ku nool qaarada Yurub ayaa dhowaan ku soo laabtay magaalada Muqdisho oo uu mudooyinkan ku sugnaa.

Xilka loo magacaabay Cabdiraxmaan Xudeyfi ayaa waxaa horay u heyey Cabdikariin Cali Kaar oo isna ahaa weriye hore, lamana oga sababta keentay isbedelkan

Related posts

Labo Xildhibaan oo kamid noqonaya Gollaha Shacabka goordhaw lagu doortay Kismaayo

Cabdi Cade

Qoorqoor oo taageero u muujiyey Farmaajo iyo Maxkamada gobolka Banaadir oo..

Caydiid Ali

Ciidamo aan horey loo arki jirin oo Muqdisho yimid iyo Shaki laga muujiyay !

Cabdi Cade
Taboola Ads ---