Kooxda TPLF oo War ka soo saartay wadahadalo ay kula jirto Xukuumada Abiy Ahmed

Kooxda TPLF ee mudada sanadka ka badan dagaalka kula jirtay dowladda Itoobiya, ayaa sheegtay in dedaallada dibloomaasiyadda horumar laga gaaray.

Hogaamiyaha TPLF, Debretsion Gebremichael, ayaa sheegay inay jiraan wadahadallo aan toos ahayn oo ay la leeyihiin xukuumadda Addis Ababa, isagoo tilmaamay in tallaabadaas ay dhalisay in labada dhinac ay isu soo dhawaadaan.

“Waxaan rabnaa in xal nabadeed lagu dhameeyo colaadda, balse haddii loo baahdo waan sii wadi doonnaa dagaalka si aan u ilaalino xuquuqda shacabka Tigray,” ayuu yiri Gebremichael.

Ra’iisal wasaare Abiy ayaa mudooyinkii dambe u muuqday inuu raadinayo xal aan xabbad ahayn in laga gaaro colaadda Tigray.

Waxa uu xabsiyada ka sii daayay maxaabiis, waxa uuna meesha ka saaray xaaladda degdeg ah ee uu dalka ku soo rogay.

Muranka dhuleed ee ka dhexeeya Amxaarada iyo Tigray, iyo weliba qorshaha Madaxweynaha Eritrea Isaias Afwerki ee ka dhanka ah TPLF ayaa la filayaa inay adkeeyaan wadahadallada labada dhinac.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -