Qarax goor dhow ka dhacay Muqdisho iyo faahfaahino ka soo baxaya

Qarax ayaa la soo sheegayaa inuu goor dhow ka dhacay magaalada Muqdisho, gaar ahaan nawaaxiga isgoyska Ex-control Afgooye.

Goob joogayaal ayaa sheegaya in gaari nooca raaxada ah oo wadada marayey uu qarxay, markii ay rasaas ku fureen ciidamada amaanka ee halkaas ku sugan.

Gaarigan ayaa ku sii jeeday dhinaca xarunta ciidanka asluubta Soomaaliyeed ooi halkaas ku dhow, iyadoo ay goobta gaareen gaadiidka dab demiska iyo kuwa ambalaasta.

Waxaana goobta oo aad u saxmad badan ka dhacay kala carar iyo khal khal xooggan.

Xaalada ayaa degan hadda, waxaana goobta ay wax ka dhaceen xiray ciidamada amaanka oo baaritaano wada, lamana oga weli khasaaraha ka dhashay qaraxa iyo rasaasta ka dambeysay.

Wixii ku soo kordha kala soco wararkeena soo socda insha Allah

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

Hoos ka Daawo Muuqaalka wararka Shabakadda Allbanaadir Online 24 saac kasta

- Advertisement -