Maxkamada ciidamada qalabka sida oo dil ku xukuntay Baashi Mustaf Cumar

Maxkamada Darajada 1aad ee Ciidamada Qalabka sida ee Soomaaliya ayaa waxay xukun ku riday Askari ka tirsan Ciidanka Booliska Soomaaliyeed kaasoo Muqdisho ku dilay Wiil Arday ahaa.

26-kii July ee sanadkan ayuu dable Booliis Baashi Mustaf Cumar Dhaqane ku dilay Allaha u naxariiiste Marxuum Shiikh Nuur Maxamed Maxamuud oo degenaa degmada Xamarjajab ee gobalka Banaadir.

Sheekh Nuur Maxamed Maxamuud oo ahaa arday dhiganayay School ayaa marayay meel aan ka fogeyn Ceelgaabta xilli fiid hore ah, waxaana dil u geystay Dable Booliis Baashi Mustaf Cumar Dhaqane oo ay sheegeen markaatiyaal la socday Marxuumka inuu soo isticmaalay waxyaabaha maanka dooriya.

Xafiiska Xeer ilaalinta ayaa Maxkamadda horkeenay Laba markaati, baarihii kiiska, sawirka marxuumka,  warqadda cadeynta dhimashada ee dhakhtarka iyo Qorigii uu dilka ku geystay oo nuuciisu ahaa AK-47.

Qareenada u dooday Eedeysanaha ayaa maxkamadda weydiistay in loo naxariiisto maadaama uu ahaa qof aan miirkiisa joogin.

Gashaanle Sare Xasan Cali Nuur Shuute oo ah guddoomiyaha Maxkamadda Darajada Koowaad ee Ciidamada Qalabka Sida ayaa sheegay in maxkamada ay eedeysanaha ku xukuntay dil toogasha ah, taasoo ah qisaasta Marxuum Sheekh Nuur Maxamed Maxamuud.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

Hoos ka Daawo Muuqaalka wararka Shabakadda Allbanaadir Online 24 saac kasta

- Advertisement -