Ciidamo katirsan AMISOM oo caawa gaaray deegaano katirsan Galmudug

Ciidamo katirsan howlgalka nabad ilaalinta ee AMISOM oo ka baxay magaalada Baladweyne ee xarunta gobolka Hiiraan ayaa caawa gaaray deegaano katirsan gobolka Galgaduud ee maamulka Galmudug.

Sida aan wararka ku heleyno ciidamadan oo wata gaadiid dagaal oo badan iyo hub kala duwan ayaa caawa gaaray deegaano ku dhaw magaalada Guriceel, waxa ayna ciidankan kusii jeedaan magaalada Dhuusomareeb.

Ciidamadan AMISOM katirsan ayaa la filayaa in beri gaaraan magaalada Dhuusomareeb oo dhawaan la filayo in ay ka dhacaan shirar dib u heshiisiin iyo doorashooyinka Baarlamaanka iyo hogaanka maamulka Galmudug.

Ciidamada AMISOM ayaa la wareegaya amaanka guud ee magaalada Dhuusomareeb gaar ahaan goobaha muhiimka ah sida garoonka diyaaradaha, xarunta madaxtooyada iyo sidoo kale goobta lagu qabanayo shirka dib u heshiisiinta.

Taliyaha ugu sareeya ciidamada AMISOM iyo saraakiil la socotay ayaa maanta gaaray magaalada Dhuusomareeb, waxa uuna taliyaha hor dhac u ahaa qorshaha ciidamo ka socda AMISOM lagu geenayo magaalada Dhuusomareeb.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

- Advertisement -