Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

Haweeney 97-sanno jir ah oo loo heesto Dilka dad ka badan 10-Kun oo qof oo xukun lagu riday

Haweeney 97-sanno jir ah oo lagu magacaabo Irmgard Furchner ayaa lagu xukumay labo sanno oo xabsi ah, kaddib markii lagu helay in ay ku lug laheyd dhimashada dad ka badan 10,000 (Toban Kun ) oo qof.

Irmgard Furchner, oo u dhalatay dalka Jarmalka ayaa maxkamadda sheegtay in ku cadaatay in ay ku lug laheyd dhimashada dad ka badan toban kun qof  intii uu socday xasuuqii Holocaust.

Haweeneydan ayaa la sheegay in ay  xoghaye u ahayd taliyaha xerada xoogaynta ee Stuthof ee hadda loo yaqaano Poland, halkaas oo la sheegay in uu ka dhacay xasuuqa dadka badan lagu laayay.

Garsooraha maxkamadda ayaa diiday doodda qareenkeeda ee ah in aysan waxba ka ogeyn dilka, waxaana haweeneydan la saaray maxkamadda dhallinyarada maadaama xilliga ay dambiga galeysay ay aheyd dhallinyaro.

Dalka Jarmalka ayaa lagu maxkamadeeyay dad badan oo lagu helay dambiyo la xariira xasuuq dhacay xilligii Hitler, waxaana dadka la xukumay intooda badan yihiin dad waayeelo ah oo xilli hore galay dambiya lagu helay.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Ajaaniib dalalkooda Dambiyo kasoo galay oo la shaaciyay in Soomaaliya joogaan

Cabdi Cade

Raisul Wasaare Khayre oo qaabilay Mrs. Bintou Keita & Wafdi ay horkaceyso

Caydiid Ali

Wadahadal labo geesood ah oo u furmay Madaxda dalalka Somalia & Kenya (Sawirro)

Caydiid Ali
Taboola Ads ---