Allbanaadir.com
NEWS

Shaqaalaha Dowlada federaalka Soomaaliya oo beri la fasaxay (Ogow Sababta)

Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada Xukuumadda Federaalka ah ee Soomaaliya ayaa ku wargelisay shaqaalaha dowladda iyo kuwa gaarka in ay fasax ka yihiin shaqada maalinta Sabtida ah oo ah curashada sannadka cusub ee islaamka 01/01/1441 Hinjira,kuna beegan 31/08/2019.

Hoos ka akhri Qoraalka lagu shaaciyay fasaxa;

Ku:  Dhammaan Hey’addaha dowladda
Og:  Wasiirka Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada
Og:  Xafiiska Ra’iisul  Wasaaraha J.F.S
Og:  Xafiiska Madax-Weynaha  J.F.S

Ujeeddo :  Fasaxa  Ciidda  Hijiryada  ee 1441

SANNAD  WACAN:

Wasaaradda Shaqada Iyo Arrimaha Bulshada  waxay ku wargelineysaa Dhammaan  Hey’addaha Xukuumadda Federaalka Soomaaliyeed  iyo Hey’addaha Gaarka loo leeyahay  Shaqaalahooda in ay tahay  fasax  Ciidda  Sannadka Cusub  ee Muslimiinta ee Hijiryada  maalinta  Berri Sabti ay taariikhdu tahay 31/08/2019 ama 01-01-1441H. kuna beegan maalintaas qiimaha &  qaddarinta ku leh Muslimiinta Caalamka, gaar ahaan Ummadda Soomaaliyeed.

Waxaan u rajeynaynaa dhammaan Umamadda Soomaaliyeed in ay  ku Ciidaan maalintii uu nabigeena Suuban NNKHA ka hijroodey Magaalada  Maka  una hijrodey Madiina

Wada shaqayn wacan

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

Related posts

Somaliland oo Hargeysa ka joojisay bandhig faneedyada iyo caweeska

Cabdi Cade

Madaxda dalka oo ka qeyb galay Janaaso lagu dukaday Meydka Eng Yariisow (Sawirro)

Cabdi Cade

Dowlada Soomaaliya oo Baaq u dirtay Soomaalida kunool dalka Koonfur Afrika

Cabdi Cade
Taboola Ads ---