Allbanaadir.com
GALMUDUGNEWS

Sheekh Shaakir oo la kulmay Taliyaha ugu sareeya Ciidamada AMISOM (Daawo Sawirada)

Waxaa maanta magaalada Dhuusomareeb ee caasimada maamulka Galmudug gaaray saraakiil uu hogaaminayay taliyaha ugu sareeya ciidamada AMISOM Jen. Ticabu Yilma oo u dhashay dalka Itoobiya.

Taliyaha ciidamada AMISOM ayaa magaalada Dhuusomareeb kula kulmay Madaxa Xukuumada Galmudug Sheekh Shaakir iyo masuuliyiin kale, waxa ayna kawada hadleen arImo kala duwan .

Sida aan wararka klu heleyno Sheekh Shaakir iyo taliyaha ciidamada AMISOM ayaa si gaar ah uga wada hadlay qorshaha sugitaanka amaanka magaalada Dhuusomareeb iyo sidii magaaladaasi loo geyn lahaa ciidamo ka socda AMISOM.

Sheekh Shaakir ayaan wali la ogeyn in uu aqbalay qorshaha ciidamada AMISOM lagu Keenayo magaalada Dhuusomareeb ay horey uga soo horjeedeen isaga iyo hogaanka maamulka Galmudug.

Wasiirka amniga gudaha Xukuumada Soomaaliya ayaa shaaciyay in magaalada Dhuusomareeb la geenayo ciidamo ka socda AMISOM kadib kulan uu maanta Dhuusomareen kula qaatay taliyaha ciidamada AMISOM.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

Related posts

Barta Twitterka ee Raisul Wasaare Narendra Modi oo la jabsaday, laguna baahiyey..

Caydiid Ali

Axmed Karaash: “Shacabka reer SSC awalba garab istaag kamay filayn Xamse”

Caydiid Ali

Rooble oo ku wareeray khilaafka aan dhamaadka laheyn ee Mahdi Guuleed & Cabdi Xaashi

Caydiid Ali
Taboola Ads ---