Talo ku socota Beesha Cadaado ee ka careesan Heshiiska Galmudug iyo Ahlu Sunna

Dabaaldeg meelo badan laga soo dhoweeyey ayaa ka dhacay Magaalada Dhuusamareeb kadib markii lagu soo gebagebeeyey heshiiskii Galmudug iyo  Ahlusunna kaasoo  caqabad ku ahaa horumarka iyo israaca dadka deeganka Gobolada dhexe.

Waa wax lagu farxo in heshiis la gaaro waxaana amaanta heshiiskaas iska leh Ilaahey ka sokow Madaxweyne Axmed Ducaale Geele Xaaf waxa uuna mudan yahay in lagu abaal mariyo wax la yaqaan maadaama uu ku guuleystey in uu Ahlusunna kula heshiiyo mudo Todobo bilood gudahood ah.

Iyadoo Hadal heynta ugu badan ee Soomaaliya maanta ay tahay Heshiiskaas ayaa  hadana waxa soo korortay Arinta Cadaado oo iyana dhibaatadeeda leh, waxaa loo baahan yahay in caqligu shaqeeyo, reer Cadaado wax badan ayey qabteen marka aan ka hadleyno Galmudug sidaa darteed waxay u baahan yihiin in la daweeyo oo laga qanciyo waxyaabaha ay tabanayaan maadaama aan loo baahneyn qilaaf kale oo hor leh.

Reer Cadaado waxaa saaran masuuliyad weyn, mana laga aqbali karo waxyaabaha Magaaladooda kasoo yeeraya sida Madaxweyne Xaaf ma iman karo Cadaado iyo waxyaabo la mid ah, inkastoo ay ku wanaagsaneyd iney reer Cadaado caradooda liqaan oo ay gadaal ka xisaabtamaan hadana waa iney ogaadaan in  aan sidaas looga hareyn, waxaa lagama maarmaan ah in la dhayo boogaha la damqiyey ee reer Cadaado ka muuqda.

Waxaa amaan mudan siyaasiyiinta Cadaado kasoo jeeda oo iyagoo ka xun habdhaqanka Cadaado ka socda u hogaansamey dalabkii Odaaasha oo ahaa in aaney ka bixin Magaalada oo aaney ka qeyb gelin shirkii Dhuusamareeb.

Waxaan ku talin lahaa in marka koowaad ay reer Cadaado  raaligelin ka bixiyaan hadalada aan wanaagsaneyn ee ka soo yeeray, Marka labaadna ay waxgaradka Galmudug oo uu  ugu horeeyo Madaxweyne Xaaf ay Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ku qanciyaan in uu Cadaado ku laabto si wadajir ahna loogu hoydo reer Cadaado, haddii sidaasi dhacdo waxaan hubaa in wax walba ay guul ku dhamaanayaan oo dabaaldeggii Dhuusamareeb dhameystirmayo.

WQ. Cabdinaasir Xersi Iidle.

Tel. 00252-615503978.

Naasirx1@gmail.com

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -