Allbanaadir.com
NEWS

NATO oo qaaday talaabo sababi karta dagaalkii 3aad ee adduunka

Xulafada NATO ayaa sheegay inay billaabeen inay diyaaradaha dagaalka ee F-16 ku wareejiyaan Ukraine si ay gacan uga geystaan ​​xoojinta difaacooda ka dhanka ah duulaanka Ruushka.

Dayuuradahan oo ah kuwo casri ah ayaa hadii lagu weeraro Ruushka sababi kara dagaal 3aad ee dunida ka qarxa sida uu horeyba uga digay madaxweyne Putin.

Ku dhawaaqista ayaa ku soo beegantay iyadoo 32-ka waddan ee xubnaha ka ah isbahaysiga militariga ay ku kulmayaan Mareykanka si ay u xusaan 75 sanno-guurrada markii la aasaasay.

Xoghayaha guud ee NATO, Jens Stoltenberg ayaa sheegay haddii ay NATO doonayso inay u dagaallanto xorriyada iyo dimuquraadiyada inay taas ku muujin karaan Ukraine, isagoo ka hadlay arrimaha kale ee la filayo dalalka NATO inay ku heshiiyaan, si ay sare ugu qaadaan taageerradooda militari ee Ukraine.

“Taageerada Ukraine maaha sadaqo,” ayuu raaciyay. Waxa uu sidoo kale sheegay in xubnaha NATO ay xoojin doonaan iskaashigeena Indo-Pacific si aan u riixno isbaheysiga sii kordhaya ee Ruushka, Shiinaha, Iran iyo Waqooyiga Kuuriya.

NATO, waxay doonaysaa inay khasaaraha ku badiyaan Ruushka Laakiin sidee Ruushka uga jawaabi kara weerarro ay fuliyaan dayuuradaha F-16 oo si dhab ah u beddeli kara jawiga dagaalka,

Related posts

Sacuudiga oo ku guuleystay Martigelinta Koobka Aduunka sanadka 2034

Caydiid Ali

Aqalka Cad oo shaaciyay in Biden qorshaha ugu jirin in uu la kulmo Maxamed Bin Salmaan

Cabdi Cade

Madaxweyne Biixi oo Dagaalka Laascaanood iyo arrimo kale kala hadlay Safiirka Ingiriiska (Sawirro)

Cabdi Cade
Taboola Ads ---