Allbanaadir.com
GALMUDUGNEWS

Ciidanka AMISOM oo ugu dambeyn la go’aamiyey in la geeyo Dhuusamareeb

Xukuumada Soomaaliya iyo Taliska ciidanka AMISOM ayaa maanta oo Jimce ah waxay isku raaceen in ciidamo ka tirsan howlgalka Midowga Afrika la geeyo Magaalada Dhuusamareeb.

Go’aankan ayaa ka dambeeyey ka dib kulan maanta Magaalada Dhuusamareeb ku yeesheen Taliyaha Guud ee Ciidamada AMISOM Jen. Ticabu Yilma oo maanta gaaray halkaas & Xubno uu ka mid yahay Wasiirka Amniga Soomaaliya.

Wasiirka Amniga Soomaaliya Maxamed Abuukar Islow Ducaale ayaa sheegay in ciidamada AMISOM ee la geynayo Dhuusamareeb ay noqon doonaan kuwo lagu xoojinayo Ammaanka Magalada Dhuusamareeb si loo suurta geliyo doorasho xor ah.

“Ciidamada AMISOM waxay kaalin weyn ka qaadan doonaan horu-socodka Galmudug si loo dhiso Galmudug oo mideysan iyo sidoo kale qabsoomida shirka dib u heshiisiinta beelaha dega Galmudug ee dhowaan la qabanayo” ayuu yiri Wasiir Ducaale.

Dhowaan ayey aheyd markii Xoogaga ahlu sunna ee jooga degmada Matabaan ee gobolka hiiraan ay is hor taageen kolonyo ka tirsan ciidamada AMISOM ee Jabuuti ka socda oo ku sii jeeday magaalada Dhuusamareeb.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

Related posts

Nin cabsi iyo jahwareer ku abuuray Yahuud badan oo xukun lagu riday (Daawo Sawirro)

Cabdi Cade

Amiir Charles oo la wareegay Taajka Boqortooyada UK ka dib geeridii Elizabeth

Caydiid Ali

Gabar aargudasho Layaab leh ku sameesay Saaxiibkeyd oo Qiyaanay !!

Cabdi Cade
Taboola Ads ---