Taliyaha ciidamada AMISOM oo gaaray Magaalada Dhuusamareeb (Daawo Sawirro)

Taliyaha ciidanka Midawga Africa ee AMISOM Gen. Tigabu Yilma ayaa goordhaw ka dagay garoonka diyaaradaha Magaalada Dhuusamareeb ee Xarunta dowlad goboleedka Galmudug halkaas oo lagu soo dhaweeyay.

Gen. Tigabu Yilma oo u dhashay dalka Itoobiya ayaa waxaa Garoonka dayuuradaha ee Magaalada Dhuusamareeb ku soo dhaweeyay saraakiil ka tirsan ciidanka xoogga dalka oo ay ka mid ahaayeen Taliyaha qeybta 21-aad iyo Taliyaha DANAB ee 21aad ee ciidamada Xoogga dalka Soomaaliyeed.

Taliyaha AMISOM ayaa haatan kulan kula aleh Magaalada Dhuusamareeb Wasiiro ka tirsan xukuumada Somalia oo uu ka mid yahay Wasiirka Amniga Soomaaliya Maxamed Abuukar Islow Ducaale.

Lama faahfaahin ujeedada safarka taliyaha AMISOM uu ku tegay magaalada Dhuusamareeb anagoo wixii warar dheeraad ah ee ka soo kordha socdaalka wafdigan idinkugu soo gudbinayna Wararkeena dambe insha Allaah.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

- Advertisement -