Allbanaadir.com
NEWSWORLD NEWS

Amiir Charles oo la wareegay Taajka Boqortooyada UK ka dib geeridii Elizabeth

Amiir Charles ayaa la wareegay kursiga boqortooyada UK xilli ay da’diisu tahay 73 jir sida lagu sheegay war ka soo baxay qasriga boqortooyada.

Charles ayaa illaa caruurnimadiisii loo diyaarinayey inuu dhaxlo taajka boqortooyada ee dalka Ingiriiska

Waxaa uu noqday qofkii ugu da’da weynaa ee abid dhaxla taajka boqortooyada Ingiriiska, iyadoo haatan wixii ka dambeeya loogu yeeri doono Boqor Charles III (Boqor Charles-kii saddexaad), ka dib markii ay geeriyootay hooyadii Queen Elizabeth II oo boqortooyada dalka Britain soo maamulaysay 70-kii sannadood ee ugu dambeeyey.

Boqor Charles III ayaa noqday qofkii ugu horreeyey ee dhaxla boqortooyada Britian ee waxbarashadiisa qaybo ka mida ku soo qaata dalalka dibedda, sidoo kale wuxuu noqonayaa boqorkii ugu horreeyey ee haysta shahaado degree ah.

Wakhti looma qaban, xilliga ay dhacayso caleemo saarka boqor Charles III hase ahaatee waxaa la filayaa in la qabto marka la aaso boqorada geeriyootay.

 

Related posts

Israel oo mar kale duqeysay dhismayaal ku dhegan Isbitaal & Iskuul ku yaalla Gazza

Caydiid Ali

Sheekh Caan ah oo diiday in Gabar ku mehriyo 100-garaam oo Dahab kana hadlay Sababta

Cabdi Cade

Madaxweyne Deni oo furay Kalfadhiga 44-aad ee Baarlamanka Puntland (Daawo Sawirro)

Caydiid Ali
Taboola Ads ---