Allbanaadir.com
NEWSWORLD NEWS

Suxufiyad ka hawlgasha telefishin oo sabab yaab leh shaqada looga joojiyey

Suxufiyad ka hawlgasha telefishin Masar ku yaalla ayaa shaqada laga joojiyay ka dib markii ay hadal muran dhaliyay ka sheegtay cayilka siyaadada ah.

Waaxda warbaahinta Masar ayaa sheegtay in Reham ay isticmaashay erayo si cad xad gudub ugu ah dumarka Masar.

Reham ayaa intii ay barnaamijkeeda wadday tiri “dadka cayilan caqabad ayay ku yihiin qoysaskooda iyo xukuumadaba”, iyadoo hadalkeeda ku difaacday qoraal soo dhigtay Instagram.

Hadalkeeda ayaa yimid ka dib markii Madaxweynaha Masar Cabdul Fatax Al-Sisi uu dadka Masaarida ah ugu baaqay in ay hilibka dhimaan, ayna naftooda ka dadaalaan.

Intii uu socday barnaamijka ay daadihiso gabadhaasi ee la dhoho Sabaya oo ka baxa telefeshinka al-Hayah TV ayay tiri dumarka tirada badan ee aadka u cayilan waxay lumiyaan dumarnimadkooda iyo farxaddooda”sababtuna waa sunta jirkooda ku jirta”, iyadoo Hadalkeeda aad looga dhaleeceeyay baraha bulshada.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

Related posts

Maxay ka wada hadleen Duqa Muqdisho & danjire Cabdifataax Cabdullaahi Xasan? (Sawirro)

Caydiid Ali

(Sawirro) Ciidanka Xoogga dalka oo Al-shabaab ka saaray Buurta Yacgoos

Caydiid Ali

Cali Guudlaawe oo xariga ka jaray telefishinka cusub ee Maamulka Hirshabelle (Sawirro)

Caydiid Ali
Taboola Ads ---