Dagaalyahano katirsan Daacishta Soomaaliya oo lagu dilay Weerar qorsheesan

Weerar qorsheesan ay fuliyeen diyaaradaha dagaalka aan duuliyaha laheyn ee dalka Mareykanka ayaa lagu dilay dagaalyahano katirsan Kooxda Daacish ee ka dagaalanta gobolka bari ee Puntland.

War kasoo baxay taliska ciidammada Mareykanka ah ee jooga afrika ee Africom ayaa lagu sheegay in duqeyn dhacday maalintii kobaad ee ciida lagu dilay 6-dagaalyahan oo katirsan kooxda Daacish.

Jeneral William P. West, oo ah agaasime ku-xigeenka howl-gallada ee taliska ciidamada Mareykanka ee Afrika (AFRICOM) ayaa sheegay in duqeynta ka dhacday buuraha Golis ee Puntland ku dileen lix xubnood oo Daacish katirsan.

Waxa uu sheegay Jeneral West in Mareykanka iyo dowladda Soomaaliya ay sii wadi doonaan inay ka faa’iideystaan fursadaha ay ka helaan kooxahan argagixisada si loo arbusho howlgalladooda, loona wiiqo awooddooda.

Diyaaradaha dagaalka dalka Mareykanka ayaa kordhiyay duqeymaha ay ka fuliyaan deegaanada ay joogaan dagaalyahanada Al Shabaab iyo Daacish oo dagaal kula jira dowlada federaalka sidoo kalana kasoo horjeeda danaha Mareykanka.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho-Somalia

Allbanaadir@live.com

- Advertisement -