Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

Madaxweyne Farmaajo oo kulan gaar ah la qaatay Mas’uuliyiinta Bankiga Adduunka (Sawirro)

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane; Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa Maanta wada hadallo wax ku ool ah kula yeeshay Magaalada Yokohama ee Dalka Japan Madaxweyne Ku xigeenka Bankiga Adduunka ee qeybta Afrika Mudane, Hafez Ghanem.

Wada hadallada ayaa diiradda lagu saaray dedaallada Xukuumadda ee la xiriira dib u habeynta maaliyadda, deyn cafinta iyo sidii loo sii xoojin lahaa wada shaqeynta wanaagsan ee haatan ka dhaxaysa Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Bankiga Adduunka.

Madaxweynaha Soomaaliya oo Shalay Khudbad ka jeediyay shirka nabadda iyo xasilloonida geeska Afrika ee qeybta ka ah fadhiyada Madasha Iskaashiga Waddamada Afrika iyo Japan (TICAD), ayaa soo bandhigay fursadaha ganacsi iyo kuwa maalgashi ee ka jira guud ahaan Dalalka Geeska Afrika.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

Related posts

Hadal uu jeediyay Madaxweyne Gaas oo caro badan dhaliyay iyo Jawaabo laga bixiyay!!!

Cabdi Cade

Wararkii ugu danbeyay dowladda oo war kasoo saartay go’aanka maxkamada ICJ ee dib u dhigista kiiska badda

admin

Halis cusub oo kusoo korortay magaalada Muqdisho iyo Ciidamo sabab u ah !!

Cabdi Cade
Taboola Ads ---