George W. Bush oo qaaday talaabo uu ka carooday Madaxweyne Trump

Madaxwaynihii hore ee dalka Mareykanka George W. Bush ayaa u hambalyeeyay Madaxwaynaha la doortay ee dalkaasi Joe Biden

Mr. Bush ayaa Biden u hambalyeeyay mar uu kula hadlay teleefanka iyadoo arrintan ay uga sii dartay khilaafkii u dhaxeeyay xubnaha xisbiga Jamhuuriga oo kula qeybsamay taageerada Trump

Qaar ka mid ah xubnaha xisbiga Jamhuuriga ayaa u hambalyeeyay Joe Biden halka qaar kalena ay ka gaabsadeen, waxaana sidoo kale jira xubno Madaxwayne Trump ku taageersan in doorashada looga shubtay.

Labada wiil ee waaweyn ee uu dhalay Donald Trump ayaa horey ugu eedeeyay xubnaha Xisbiga Jamhuuriga inay ku guul darreysteen inay taageeraan madaxweynaha, xilli uu dadaal ugu jiro in dib loo doorto.

Wiilka ugu weyn wiilasha Trump, Don Jr ayaa xisbiga ku eedeeyay inuu yahay “daciif”. Walaalkiis Eric ayaa ka digay: “Codbixiyeyaasheenna weligood idinma hilmaami doonaan.

Xubno sare oo Jamhuuriga ka tirsan sida Senatarka Utah, Mitt Romney iyo Barasaabka Maryland, Larry Hogan ayaa kooxda ololaha Trump uga digay inay wiiqaan hannaanka dimoqraaddiyadda Maraykanka.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -