Guddoomiye Filish oo labo arrin oo Muhiim ah u balan-qaaday Shacabka Muqdisho

Guddoomiyaha cusub ee Gobolkan Banaadir ahna Duqa Muqdisho Cumar Maxamuud Maxamed (Filish) oo xalay la wareegay xilka ayaa balan qaaday in Maamulkiisa uu ka shaqeyn doono wax ka qabashada xaaladaha ka jira caasimada.

Cumar Filish ayaa balan-qaaday inuu si gaar ah diirada u saari doono labo qodob oo muhiim u ah shacabka Muqdisho kuwaasoo kala ah xoojinta amniga iyo dib u furida jidadka xiran, si isku socodka dadka iyo gaadiidka caasimaddu u sahlanaato.

“Waxaan u caddaynayaa bulshada Muqdisho inaan ugu shaqeyn doono si daacadnimo ah oo hufan, diyaar baan u ahay inaan idin kala shaqeeyo horumarinta gobolka Banaadir. Kobcinta dhaqaalaha, maalgashiga iyo bilicda caasimadduna waxay ii leeyihiin mudnaan gaar ah”. ayuu yiri Cumar Filish.

Waxaa uu xusay in dhaqaaluhu uu ka mid yahay waxyaabaha mudnaanta u leh, isla markaana uu muhiimad siin doono Kobcinta dhaqalaaha caasimadda iyo abuuridda jawi iyo soo jiidan karta maalgashiga dibadda iyo gudaha, korna u qaadi doono bilicda Muqdisho, si ay ula tartanto caasimadaha kale ee adduunka.

Duqa Muqdisho ahna Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Mudane Cumar Maxamuud Maxamed (Filish) ayaa ugu baaqay bulshada caasimadda in ay gacan ku siiyaan maamulkiisu sidii uu u gaari lahaa hadafkiisa ku qotoma baahida shacabka Muqdisho.

Qodobka la xiriira furida jidadka xiran ee Muqdisho oo si weyn loogaa hadal hayo caasimada ayaa waxaa horey ugu fashilmay qaar ka mid ah guddoomiyeyaashii soo maray gobolka banaadir oo markii ay xilka qabanayeen sameeyey balan-qaadyo noocan ah, lamana oga waxa balanta Cumar Filish ay kaga duwan tahay balan-qaadyada hore.

 

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

- Advertisement -