Halis cusub oo kusoo korortay magaalada Muqdisho iyo Ciidamo sabab u ah !!

Magaalada Muqdisho waxaa mudooyinkan dambe kusoo kordhay dhaca loo geesanayo mootooyinka loo yaqaan Fekon oo inta badan adeegsadaan dhalinyarada magaalada kunool iyo dadka ganacsatada ah.

Mootadan ayaana noqotay mudooyinkii dambe mid isticmaalkeeda kusii batay magaalada Muqdisho iyo qaar kamid ah gobolada dalka, waxaana mootadan dadka isticmaala ku xusheen in ay u sahleyso isku socodka halka dhalinyarada qaarna ku shaqeestaan.

Waxaa hada soo kordha burcada dhaca u geesata mootadan kuwaa oo mararka qaar dil ama dhaawac u geesta dadka ay ka dhacayaan, waxa ayna hada noqotay wadashada mooto Fekonta halis cusub oo kusoo korortay magaalada Muqdisho.

Inta badan raga hubeesan ee burcada ah ee dhaca u geesata mooto Fekonta ah ayaa ah askar ku labisan dareeska ciidanka milatariga ah kuwaa oo mootooyinka ay dhacaan sii iibsada halka mararka qaarna la sheego in ay u qaataan xeryaha ay joogaan.

Burcada dhaca u geesta mooto Fekon-ta ayaa inta badan adeegsada mooto Bajaaj ay ku horjaraan mootada ay dhacayaan kadibna wadaha mootada ku qasba in uu ka dego kuna soo wareejiyo furaha iyagoona xabad ku dhufta hadii uu is adkeeyo.

Sabtidii ayey aheeyd markii rag ku labisnaa dareeska Milatariga Isgooska Albaraka ee Degmada Hodan ku dileen nin shacab ah ay ka dhacayeen Mooto Fekon, burcada ayaana dilka kadib horey usii qaatay mootada marxuunka ay dileen.

Dad badan oo markii hore dan u iibsaday mooto Fekon ayaa hada bilaabay in ay iska dhigaan mootadaasi si aysan noloshooda halis u galin maadaama xili dharaar cad laamiyada magaalada Muqdisho la isaga dhacayo la isugna dilayo.

Mootooyinka la dhaco ayaa inta badan loo safriyaa gobolada dalka halkaas oo lagu iibiyo laguna isticmaalo, waana mida hada kordhisay halista mootadan iyo kala dhaceeda oo mudooyinkii hore aad u yaraa.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -