Hadal uu jeediyay Madaxweyne Gaas oo caro badan dhaliyay iyo Jawaabo laga bixiyay!!!

Hadal Madaxweynaha Puntland Cabdiweli Maxamed Cali Gaas uu shalay  ka jeediyay degmada Badhan ee gobolka Sanaag ayaa dhaliyay caro badan oo ka timid siyaasiyiin iyo qeybo badan oo bulshada kamid ah.

Madaxweyne Gaas ayaa sheegay in wiilal ka yimid gobolada Baay iyo Bakool oo dacas wata in ay doonayaan in ay xukumaan dadka Puntland, waxa uuna intaa ku daray in aysan arintaasi suurto gal aheyn arintaasi ayna yeeli karin.

“Wiil ka yimid Xudur, Diinsoor iyo Buurhakaba, oo kaba dacas ah qaba inuu inta idiin yimaado nagu xukumo dalkayagii, suurtagal ma ahan, caqlina ma ahan, lamana yeeli karo, Intaas oo ciidan ahna waa ay nala joogaan xoogaa Shabaab ahna waa naga haystaan Galgala caqli ma ahan.”.” Ayuu yiri Madaxweyne Gaas.

Hadalkan kasoo yeeray Madaxweynaha Puntland ayaa abuuray caro badan oo inta badan ka imaaneysay Xildhibaano, Siyaasiyiin iyo dad kale oo kasoo jeeda gobolada Baay iyo Bakool, waxaana hadal heynta arintan laga dareemay baraha bulshada.

Wasiir ku xigeenka Wasaarada Warfaafinta Xukuumadda Federaalka ee Soomaaliya, Xildhibaan Aaden Isaaq oo ka hadlay hadalka Madaxweyne Gaas ayaa ku tilmaamay hadal cunsuriyad xumbaarsan oon la qaadan karin.

”Wax la aqbali karo maahan kala saarida uu ku kacay Cabdiweli Gaas, Ogow Wiilka ka yimid Xudur iyo Buur Hakaba maahan ajnabi ana uusan aadin wadan kale” Ayuu yiri Wasiir kuxigeenka Warfaafinta.

Waxaa sidoo kale hadalkan kasoo yeeray Madaxweynaha Puntlanad si adag uga hadlay Xildhibaan Idiris Cabdi Axmed Dhakhtar oo kamid ah Xildhibaanada laga soo doortay Baay iyo Bakool, waxa uuna xusay in  hadal Gaas kasoo yeeray uu yahay mid aan la aqbali karin.

“Waxaan u sheegayaa in nin mas’uul ah uu hadalkaas ka soo yeero ma ahan, in deegaan gaar ah dad ka soo jeeda uu wax ka sheego ma ahan, oo haddana uu dhaho dadkaas oo dacas wato, hadalladaas kuma haboona inuu ku hadlo nin mas’uul ah marka waxaan rabaa inaan ninkaas u sheego waa khaladaadkii saddexaad, afraad ee uu galaayo waaye , ma haboonayn in ninkaas oo mas’uul ah oo hadda ka horna ra’iisul wasaare soo noqday inuu marwalbaba afkiisa uu ku aflagaadeeyo qowmiyad dhan oo jirta.”.”Ayuu yiri Xildhibaan Idiris Dhaqtar.

Hadalkan kasoo yeeray Madaxweynaha Puntland ayaa noqday mid si weyn loo hadal hayo lagana dareemay baraha bulshada, waxaana hadalkan dhaliyay dood u dhaxeysa dadka kasoo jeeda Koonfur Galbeed iyo sidoo kale Puntland.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

- Advertisement -