Axmed Madoobe oo wada qorshe lagu kala furfurayo Siyaasiyiinta Isbedel-doonka (Sawirro)

Madaxweynaha Jubbaland Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe) ayaa magaalada Kismaayo      qorshe lagu kala furfurayo siyaasiyiintii isbedeldoonka ee ka soo horjeeday.

Musharaxiinta isbedeldoonka ee sida weyn uga soo horjeeday Axmed Madoobe ayaa magaalada Kismaayo ku doortay labo Madaxweyne oo kala ah xildhibaan C/rashiid Xiddig iyo C/naasir Seeraar iyagoo loolan kula jiray Axmed Madoobe.

Axmed Madoobe ayaa xalay xafiiskiisa ku qaabiley Cabdiqaadir Cabdi Sharaay oo ka mid aha siyaasiyiinta isbedel-doonka Jubbaland xiligii dooroshaooyinka, isagoo maalmo ka horna la kulmay xubno kale oo ka tirsan isla mucaaradka.

“Magacaygu waa Cabdiqaadir Cabdi Sharaay waxaan ahaa Garabka Mucaaradka Jubbaland gaar ahaan ku-xigeenka Cabdirashiid Xidig waxaana u tanaasulay danta Jubbaland waxaana garab taagnahay Madaxweynaha dadka reer Jubbaland ay doorteen Axmed Maxamed Islaam” sidaas waxaa yiri Cabdiqaadir Cabdi Sharaay oo kulanka Axmed Madoobe ka dib la hadlay saxaafada.

Dowlada Soomaaliya ayaa sheegtay ineysan aqoonsaneyn natiijooyinka ka soo baxay doorashooyinkii iska soo horjeeday ee todobaadkii hore ka dhacay Magaalada Kismaayo, iyadoo beesha caalamkuna aysan soo dhoweynin sida ay wax uga socdeen Kismaayo.

Axmed Madoobe oo cadaadis xoogan uu saaran yahay ayaa isku dayaya inuu heshiisyo hoose la galo siyaasiyiinta mucaaradka isagoo adeegsanaya dhaqaale iyo balan-qaadyo xilal cusub, si dib u doorashadiisa uu uga iibiyo wakiilada beesha caalamka.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

- Advertisement -