(Akhriso) Khudbadii Madaxweyne Farmaajo ka jeediyey Shirka caalamiga ah ee TICAD

MUDANE SHINZÕ ABE, RA’IISUL WASAARAHA JAPAN, MUDANE DR. ABIY AHMED, RA’IISUL WASAARAHA JAMHUURIYADDA FEDERAALKA DIMUQRAADIGA AH EE ITOOBIYA; MUDANE ANTONIO GUTERRES, XOGHAYA GUUD EE QARAMADA MIDOOBAY; MUDANE MUSA FAQI GUDDOOMIYAHA KOMISHANKA MIDOWGA AFRIKA; MADAXWEYNE KU XIGEENKA JAMHUURIYADDA KOONFURTA SUUDAAN MUDANE JAMES WANI IGGA; MUDANE MOHAMUD ALI YUSUF WASIIRKA ARRIMAHA DIBADDA JAMHUURIYADDA DJIBOUTI; MUDANE OSMAN SALIH WASIIRKA ARRIMAHA DIBADDA ERITREA, MARWO MONICA JUMA, WASIIRKA ARRIMAHA DIBADDA KENYA, MARTIDA SHARAFTA LEH, MUDANAYAAL IYO MARWOOYIN,

Sharaf weyn ayay ii tahay inaan hadal-jeedin ku yeesho Shirweynaha toddobaad ee golaha iskaashiga Caalamiga ah ee Horumarinta Afrika (TICAD 7) oo ay martigalineyso magaaladan quruxda badan ee Yokohama, Japan. Waxaan Ra’iisul Wasaare Shinzo Abe iyo Dowladda Japan uga mahadcelinayaa martigelinta shirweynahan TICAD 7, waxaan sidoo kale dadka reer Japan uga mahadcelinayaa soo dhaweynta diirran ee ay u fidiyeen aniga iyo wafdigeyga.

Gobolka Geeska Afrika run ahaantii waa goob juqraafi ahaan leh astaamo u gaar ah, marka la eego dadkeeda iyo taariikhdeeda. Geeska Afrika wuxuu kaloo goob istiraatiijiyad muhiim ah u yahay ganacsiga caalamka, kheyraadka dabiiciga ah, amniga iyo isku xirnaanshaha xilligan lagu jiro iyo xiriirka wax wada qabsi ee ka dhexeeya dalalka caalamka. Balse, waqti aad u dheer, gobolka Geeska Afrika waxaa dib u dhigay amni-xumo, is-aamin la’aan iyo maqnaanshiyaha aragti lagu mideysan yahay oo laga yeesho nabadda iyo horumarka. Ugu dambeyn, imika ayaan ku baraarugnay baahida loo qabo in taariikhdan la beddelo oo aan u wada guntanno mustaqbal ifaya oo wadajir noo wada anfaca kaas oo ku dhisan is-ixtiraam, is aaminaad iyo horumarin ku saleysan iskaashi ku aaddan dhammaan dhinacyada waxtarka leh ee idil ahaan dadka gobolka lagu gaarsiinayo barwaaqo iyo nabad.

Iyada oo qayb ka ah aragtideyda xilliga fog, waxaan ku caddeeyay ololahaygii doorashadda madaxtinimo in Soomaaliya, mar labaad, ay tahay inay ku soo laabato kaalintii ay ku lahayd Geeska Afrika oo ay hormuud ka noqoto dadaallada dib-u-heshiisiinta. Tani waxay waligeedba ahayd, walina ay ahmiyad u leedahay xasilloonida iyo horumarka Soomaaliya oo kaliya maahee dhammaanba waddamada gobolka. Taasina waxay ku xiran tahay iskaashi wax ku ool ah oo ay yeeshaan dalalaka gobolka si loo wada gaaro barwaaqo dhammaan la wada mahdiyo.

Waxaan ku faraxsanahay in labada dowladood ee aan walaalaha nahay ee Ereteriya iyo Itoobiya ay dib u soo nooleeyeen xiriirkii laba geesoodka ahaa ee ka dhexeeyay. Dadaalkaas waxaa udub-dhig u ahaa booqashooyinkii heerkoodu sarreeyay ee dhexmaray Soomaaliya, Ereteriya iyo Itoobiya kaas oo wadahadallo dheer ka dib horseeday Isfaham, ugu dambeyntiina ay is-afgarad wada saxiixdeen dhammaan saddexda waddan oo muujiyey sida ay uga go’an tahay inaan yagleelno iskaashi isdhexgal-dhaqaale, mid siyaasadeed iyo xiriir dhaw oo dadyoowga gobolku yeeshaan.

Gobolka Geeska Afrika wuxuu leeyahay fursado badan oo dhanka horumarka iyo kobcinta dhaqaalaha ah haddii aan sii xoojinno xiriirka siyaasadeed, midka bulsho iyo dhaqaale ee ka dhexeeya waddamada gobolk iyo saaxibbadeenna caalamka. Soomaaliya waxay leedahay mid ka mid ah xeebaha ugu dheer adduunka waxayna awooddaa inay fududeyso ganacsiga gobolka Geeska Afrika iyo adduunkaba.

Itoobiya waxay leedahay bulsho dabaqad dhexe ah walina sii kordheysa iyo shacab taageeri kara hamiga dalalka Geeska Afrika ee is-dhexgalka dhaqaale iyo maalgashi iyo sidoo kale ganacsiga iyo maalgashiga dalalka shisheeye ay ku sameysan karaan dalalka Geeska Afrika,

halka Jabuuti iyo Ereteriya ay yihiin albaabka Geeska Afrika. Annagoo wadajirna, waddamadeennu waxay awoodaan, oo daruuri ah, inay ka faa’iideystaan fursadaha na horyaalla. Waa inaan sare u qaadnaa iskaashigeenna cusub ee ku yimid dadaalka dheeriga ah.

Run ahaantii, dowladaha Geeska Afrika kaligood kuma ahan inay ka wada shaqeeyaan sidii mustaqbal wanaagsan loogu heli lahaa dalalkeenna iyo dadkeenna, maxaa yeelay waxaan haysannaa dalal badan oo saxiibbo nala ah, kuwaas oo naga taageera dhinac walba, haddii ay ahaan lahayd nabadda iyo amniga adduunka, iyo dadaallada kale ee horumarinta, waana mid aan abaal uga haynno.

Waxaan u mahadcelinaynaa Dowladda Japan, si gaar ahna Ra’iisul Wasaare Shinzo Abe oo nala wadaagay aragtidiisa wanaagsan ee ku aaddan dhiirrigelinta iyo taageerada Japan ee nabadda iyo xasilloonida qaaradda Afrika. Taageeradani waxay dhab ahaantii kaabi doontaa dadaallada kale ee hore uga jiray Geeska Afrika si looga wada faa’iideysto fursadaha guud iyada oo si wada jir ah loo wajahayo caqabadaha wali ka jira gobolka.

Mabaadi’da iyo aragtida ugu muhiimsan ee gobolka Geeska Afrika waxay la mid tahay kuwa shirkan TICAD uu horseedka u yahay ee ku saleysan iskaashi, hal-abuurnimo iyo dadaallada wax wada qabsiga ee gobolka.

Waxaan ku kalsoonahay in kulankan gaarka ah ee ku saabsan Nabadda iyo Xasilloonida Geeska Afrika iyo Gobollada la dariska ah ee qaybta ka ah Shirweynaha TICAD 7 uu fursad noo siinayo dhammaanteen is-waydaarsiga aragtideenna ku aaddan xaaladda gobolka, si aynu isula fahanno caqabadaha guud, kadibna aan ka wada hawlgalno helitaanka xal siyaasadeed si aynu u dardargelinno dadaallada nabadda.

Mahadsanidiin.
DHAMMAAD

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

- Advertisement -