Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

Dil goor dhow ka dhacay Jidka Maka Al-Mukarama & faahfaahino ka soo baxaya

Askari ka tirsan ciidamada DF ayaa galabta qof shacab ah si bareer ah ugu dilay wadada Maka Al-Mukarama ee magaalada Muqdisho.

Wararka ayaa sheegaya in askariga dilka geystay uu ka tirsanaa ciidamo la socday gaari dagaal oo ilaalo u ahaa Gaari kale oo uu la socday Wasiirka Cadaalada Xukuumada Somalia.

Goob joogayaal ayaa sheegaya in ninka la dilay uu ka mid ahaa shaqaalaha Maqaayada Saytuun oo ku taalla agagaarka daarta Tre-biano ee wadada Maka Al-Mukarama.

Lama oga weli sababta dilka dhalisay, balse wararka qaar ayaa sheegaya in la qabtay askariga falka dilka ah geystay, laamaha amaanka DF ayaan iyana weli ka hadlin dhacdadan.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Akhriso: Aragtiga Sharci ee Hindise Sharciyeedka Dembiyada Galmada (Jinsiga) la xariira

Cabdi Cade

Dalkii ugu horeeyay oo Afrikaan ah oo Eeyo u adeegsanaya Baaritaanka Caronavirus

Cabdi Cade

Meydadka Israa’iiliyiin u afduubnaa kooxda Xamaas oo magaalada Qasa laga helay

Cabdi Cade
Taboola Ads ---