Doorashadii Gudoomiye ku-xigeenka 2aad ee Baarlamanka Galmudug oo soo idlaatay

Waxaa goor dhow la soo gebagebeeyey codeynta doorashada gudoomiye ku-xigeenka labaad ee baarlamanka Galmudug.

Xilka gudoomiye ku-xigeenka 2aad waxaa u tartamay labada musharax ee kala ah Maxamed Shiikh Axmed Maalin iyo Faadumo Cabdi Cali.

Tirinta codadka ka dib waxaa doorashada gudoomiye ku-xigeenka labaad ee baarlamanka Galmudug ku guuleystay Faadumo Cabdi Cali oo aheyd haweeneyda kaliya ee ku jirtay musharaxiinta gudoonka baarlamanka Galmudug.

Faadumo Cabdi Cali ayey guushu ku raacday 47 cod, halka musharaxa laga guuleystay ee Maxamed Shiikh Axmed Maalin uu helay 41 cod, sida uu shaaciyey guddiga doorashada

Waxaa halkaas ku soo idlaatay doorashadii gudoomiyaha baarlamanka Galmudug iyo labadiisa ku-xigeen ee saaka ka bilaabatay magaalada Dhuusamaareeb.

Dr. Maxamed Nuur Gacal ayaa loo doortay gudoomiyaha cusub ee Baarlamanka Galmudug, halka gudoomiye ku-xigeenka labaad uu ku soo baxay C/llaahi Xirsi Maxamed.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

- Advertisement -