Shaqo joojin mar kale lagu sameeyay Cabdullaahi Xayir Ducaale (Akhriso Digreeto)

Wareegto kasoo baxday Xafiiska Wasiirka Ganacsiga iyo Warshadaha ee Xukuumadda Soomaaliya Eng Cabdullaahi Cali Xasan ayaa shaqada looga joojiyay Agaasimihii Wasaarada Ganacsiga Cabdullaahi Xayir Ducaale.

Shaqo joojinta lagu sameeyay agaasime Cabdullahi Xayir ayaa loo tix raacay shaqo joojin uu horey ugu sameeyay Wasiirkii hore ee Ganacsiga iyo Warshadaha Maxamed Cabdi Xayir Maareeye.

Agaasimaha Shaqada laga joojiyay ayaa sidoo kale lagu eedeeyay in Shaqaalaha Wasaaradda ka dhex waday abaabul kooxeysi,qabiileysi,cabsi gelin, maamul-xumo musuq maasuq,been abuur iyo iska horkeen Shaqaalaha dhexdooda ah tan iyo markii uu Shaqada kusoo laabtay.

Wasiirkii hore ee Ganacsiga iyo Warshadaha ayaa horey shaqo joojin ugu sameeyay Agaasime Cabdulaahi Rooble, hasa ahaatee agaasimaha ayaa dib shaqada loogu soo celiyay kadib markii Wasaarada uu wasiir ka noqday  Eng Cabdullaahi Cali Xasan.

 

          Halkan ka Akhriso Wareegtada Shaqo joojinta

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

- Advertisement -