Xabaal ay ku aasan yihiin Boqolaal caruur ah oo laga helay Magaalada Huanchaco (Sawirro)

Waddanka Peru ayaa waxaa laga soo saaray wax la aaminsan yahay inay tahay tiradii ugu badneyd ee carruur naftooda la quuray, kuwaasoo waalidiintood ay hureen iyagoo nool.

Taariikhda caalamka lama xasuusto xabaal laga helay tiro ka badan midda hadda la helay.

Meydadka 227 carruur ah oo ay da’doodu u dhaxeyso 5 ilaa 14 ayaa laga soo saaray meel u dhow magaalo xeebeedka Huanchaco oo u dhow caasimadda dalka Peru ee Lima.

Caruurtan ayaa la aaminsan yahay in naftooda la huray 500 oo sano ka hor, iyadoo arrintan ay timid ku dhawaad hal sano ka dib markii meydadka 200 oo carruur ah oo kale oo iyagana naftooda la huray laga helay labo meelood oo ka mid ah isla waddankaas.

Khubaradan ayaa Wakaaladda wararka ee AFP u sheegay in qaar ka mid ah meydadka la arkay ay wali ku yaallaan timo iyo maqaar.

Carruurtan waxaa ka muuqday astaamo caddeynaya in la dilay xilli cimiladu ay qabow ahayd, kaddibna la aasay iyagoo wajigooda loo jeedinayo dhinaca badda.

Arintaas ayaa sababteeda loo badiyay inay ahayd maadaama waalidiintooda ay nafta carruurtooda u hureen iyagoo ugu dhawaanaya Ilaahyada ay aaminsanaayeen.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

- Advertisement -