Allbanaadir.com
NEWS

Madaxweyne Xasan Sheekh oo u duulay Ankara iyo xogta safarkiisa oo…

Madaxwaynaha Jamhuriyadda Fedraalka ah ee Soomaaliya Mudane Dr. Xasan Shiikh Maxamuud ayaa u safray Magaalada Ankara ee Dalka Turkiga, kadib casuumad rasmi ah oo uu ka helay dhiggiisa dalkaas Mudane Rejeb Dayib Erdugaan.

Dawladda walaalaha aan nahay ee Turkiga ayaa wadday dadaal iyo wadahadal xal loogu raadinayo xiisadii ka dhex aloosanayd Dawladda Soomaaliya iyo Itoobiya ee ka dhalatay heshiiskii isafgaradka sharci darrada ahaa.

Waxaa lagu wadaa in wareegga saddexaad ee wadahalada Ankara ay isku arki doonaan laba wafdi oo ay kala hogaaminayaan madaxweynaha JFS iyo Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya.

Dawladda Soomaaliya oo gudanaysa waajibka ka saaran ilaalinta Madax-banaanida iyo midnimada Soomaaliya ayaa mowqifkeedii hore ku taagan, kaasoo saldhig ay u tahay in aanay wax gorgortan ah ka gali doonin ilaalinta Midnimada iyo madax-banaanida Jamhuuriyadda federaalka ah ee Soomaaliya.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Mareykanka oo ku hanjabay in tallaabo adag ka qaadi doono Muhaajiriinta ku sugan Xuduuda

Cabdi Cade

Duqa Muqdisho oo baaq u diray dadka degan Dhismayaasha Danta Guud (Daawo Sawirro)

Cabdi Cade

Pakistan oo Milatariga Somalia ka taageereysa Qalabeynta iyo Tababarada (Daawo Sawirada)

Cabdi Cade
Taboola Ads ---