Allbanaadir.com
NEWS

Maxaa ka jira in Gudoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya uu is casilayo ?

Waxaa saacadihii lasoo dhaafay baraha bulshada iyo Warbaahinta qaar lagu baahiyay warar la xariira in Gudoomiyaha Mooshinku ka yaalo ee Baarlamaanka  Soomaaliya Jawaari uu is casilayo.

Qaar kamid ah Xildhibaanada Baarlamaanka Soomaaliya ee la safan Gudoomiye Jawaari ayaa beeniyay warkan lagu baahiyay baraha bushada, waxa ayna Xildhibaanadan sheegeen in warkaasi uu yahay dacaayad la maalgaliyay.

Xildhibaan Daahir Cabdi C/llaahi (Dr Goo) oo kamid ah Xildhibaanada Taageersan Gudoomiyaha Baarlamaanka ayaa sheegay in warka la xariira in uu is casilayo Jawaari ay tahay been abuur lasoo abaabulay.

Waxa uu sheegay Xildhibaanka in Gudoomiye Jawaari aysan suura gal ka eheyn inuu is casilo , waxa uuna tilmaamay in uu Jawaari ku taagan yahay sharci , Xildhibaanka ayaana intaa raaciyay in warkan is casilaada ay faafiyeen dhalinyaro lacago lagu siiyay.

Sidoo Xildhibaan C/Qaadir Cosoble ayaa isna sheegay in Gudoomiyaha Baarlamaanka la xariiray una cadeeyay in been abuur tahay warka la faafiyay, waxa uuna xusay in Jawaari uusan is casileyn.

Warkan la xariira Is casilaada Gudoomiyaha Baarlamaanka ayaa si xoogan baraha bulshada loogu baahiyay xili maanta magaalada Muqdisho soo gaareen wakiilo ka socda beesha caalamka oo u yimid xalinta xiisada ka dhax aloosan Madaxda sare iyo Baarlamaanka.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Shuruudaha iyo Jadwalka Doorashada Madaxweynaha Puntland oo lasoo saaray (Akhriso)

Cabdi Cade

Dowlad weyn oo ka shaqeeneysa xiriir cusub oo dhexmara dalalka Sacuudiga iyo Israel

Cabdi Cade

Amiirka Qadar oo amar ku bixiyay in Soomaaliya loo diro gar gaar caafimaad oo deg deg ah

Cabdi Cade